Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa ugu baaqay dowladaha ay maraakiibtoodu ku jiraan gacanta burcad-badeedda Soomaalida inaysan bixin wax lacag madax-furasho ah, isagoo sheegay in lacagaha la siiyo kooxahaasi ay sii xoojinayaan burcad-badeednimada & afduubka maraakiibta.
Fiqi ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaadi doonto tallaabooyin adag oo lagu sugayo amniga badaha dalka, isla markaana ay ka shaqeyn doonto sidii loo xoreyn lahaa maraakiibta iyo shaqaalaha ay burcad-badeeddu heystaan.
“Dowladaha marakiibtooda lagu heysto Soomaaliya waxaan leenahay lacag kasta oo aad siisan Burcad-badeed waxay sii maalgalinaysaa faldambiyeedkaas, waxayna qasbeysaa in ay ku dhiiradaan inay Maraakiib kale qabsadaan” ayuu yiri wasiir Fiqi.
Sidoo kale, Wuxuu dhaliil u jeediyay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, isagoo ku eedeeyay inuu taageero siinayo sida uu hadalka u dhigay kooxaha burcad-badeedda.
Wuxuu tusaale u soo qaatay Markab Turkiga laga lahaa, balse ku gooshayey Calanka Cameroon oo dhawaan dowladdu sheegtay si xoog ah ay gacanta Burcad-badeeda kaga soo saartay, inkasta oo Puntland ay arrinkaasi ku sheegtay mid waxba kama jiraan ah oo kooxaha la siiyey dhaqaale madax furasho. Maamulka ma aanu soo bandhigin cadeymo sheegashadooda xoojinaya.
“Waxaa ayaan darro ah in ninka maamulkaasi heysta uu warqad soo saaray ku difaacayo Buracad-badeedda uu leeyahay lacagay qaateen, kuwo kale oo Maraakiibta haystane uu leeyahay lacag qaata. Ishaarada uu diraaayo meesii laga in lagala diriro Berriga, waayo biyaha & rasaasta meeshey ka imaanayaan waa dad magacyadooda la yaqaano, meeshii la rabay inuu dagaalkaas qaado ayuu wuxuu ku qalqaalinayaa in warqad beena uu kuwo kale kusii dhiiri galinayaa inay lagac waydiistaan” ayuu yiri wasiir Fiqi.
Dhanka kale, Fiqi ayaa sheegay in Soomaaliya ay isu diyaarinayso inay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amniga dalkeeda, gaar ahaan meelaha ay ka baxayaan ciidamada Midowga Afrika ee AUSSOM. Wuxuu sheegay in dowladda ay doonayso in aysan Soomaaliya ku dhicin xaalad la mid ah tii Afghanistan, kadib bixitaankii ciidamada shisheeye.
“Ciidanka AUSSOM labaatan sano ayey xirayaan, waxaan isku diyaarinaynaa in aan amnigeena ku filnaano, Adduunkiina si wanaagsan oo aan ahayn sidii ka dhacday Afganistan oo hantidii iyo maalgalintii la galiyey aysan meel cidla ah ku soo bixin oo aan amniga dalkeena la wareegno” ayuu yiri markale.
Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli walaac laga qabo mustaqbalka amniga Soomaaliya, iyadoo la filayo in ciidamada AUSSOM ay si tartiib ah uga baxaan dalka, kadib markii ay soo baxeen caqabado la xiriira maalgelintooda iyo taageerada caalamiga ah. Hadda Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in kala bar barihii ay ku sugnaayeen ciidamada shisheeye ay la wareegtay, halka ay ku hadda ku sugan yihiin baraha Muhiimka.
HBN ONLINE TV

