Soomaaliya oo Cumaan kala hadashay xaaladaha amni ee Geeska Afrika

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Cumaan, Sayyid Badr bin Hamad Al Busaidi, iyo Soomaaliya, Abdul-Salam Abdi Ali, oo kulan ku yeeshay dalka Cumaan ayaa ka wada hadlay xaaladaha amni ee gobolka, gaar ahaan Geeska Afrika.

Labada wasiir ayaa isla soo qaaday muhiimadda ay leedahay taageeridda dadaallada lagu xoojinayo nabadda, xasilloonida iyo horumarka, iyagoo muujiyay baahida loo qabo iskaashi ballaaran oo heer gobol iyo caalami ah.

Sidoo kale, Wasiirrada ayaa adkeeyay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta iskaashiga dhinacyo kala duwan, si loo dardargeliyo danaha wadaagga ah ee u dhexeeya labada dal.

Dhanka kale, wasiir Sayyid ayaa muujiyay taageerada dalkiisa ee midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, halka dhinaca wasiir Cabdisalaam uu uga mahadceliyay Cumaan doorkeeda diblomaasiyadeed iyo taageerada ay ka geysato xasilloonida iyo dib u heshiisiinta.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed