Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sagootiyay ku dhawaad 100-Askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kuwaasi oo loo tababari doono sidii sare loogu qaadi lahaa xirfadooda iyo aqoontooda dalal ku yaala Africa, Asia iyo Yurub.
Taliyaha Ciidanka Booliska ee Qorsheynta iyo Tababarada Booliska Axmed Maxamed Axmed ayaa tilmaamay in 84-sarkaal oo ka socda dowladda Soomaaliya loo dirayo dalalka Shiinaha, Seerbiya iyo Masar, isagoo sheegay in ay yihiin ciidamadii ugu badnaa ee hal mar loo diro dalka dibadiisa waqti bil waligeed.
“20 ka mid ah saraakiisha waxaan u direynaa Shiinaha, 25 ka mid ah waxay u dirayaan Serbia, halka Masarna aan u dirayno 24 sarkaal iyo 15 tababarayaal ciidan ah si ay u soo qaataan tababar la xiriira la dagaalanka argagixisada, baarista dembiyada iyo maaraynta”. Ayuu yidhi Axmed Maxamed Axmed.
Waxa uu sheegay in ku dhawaad 101 Askari ay haatan dalka dibadiisa u joogaan tababaro heer sare ah.
Taliyaha Ciidanka Booliska Sulub Axmed Firin oo ugu horeyn ka hadlay xaflada sagootinta ah ayaa waxa uu intaasi ku daray in ciidamada Booliska ee loo dirayo dalka dibadiisa ay tahay in ay si wanaagsan uga faa’idaystaan fursadaha jira oo ay aqoontooda iyo xirfadooda sare u qaadaan.
isagoo ku dhiirigelinaya inay soo bandhigaan muuqaal wanaagsan oo ay dalka ku matalaan. si fiican ayey uga socdaan tababarkooda.
HBN NEWS DESK