Soomaaliya oo cambaareysay weerarkii lagu qaaday warshadaha hawada sare ee Turkiga

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay cambaareyneyso weerarkii lagu qaaday warshadaha hawada sare ee Turkiga (TUSAŞ) ee magaalada Kahramankazan ee Ankara, kaasi oo galaaftay nolosha dad aan waxba galabsan, tiro badana ay ku dhaawacmeen.

“Waxaan tacsi u direynaa qoysaska ay dhibaatadu saameysey waxaanan garab taagannahay shacabka iyo dowladda Turkiga” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wasaraadda arimaha Dibadda.

Falkan ayey ku tilmaantay mid fulaynimo ah oo aan aheyn kaliya weerar lagu qaaday Turkiga, balse uu khatar ku yahay nabadda iyo ammaanka caalamka.

Dowladda ayaa sheegtay in ay bogaadineyso jawaabta degdega ah ee ciidamada ammaanka ee Turkiga ka bixiyeen weerarkaasi.

HBN ONNLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed