Soomaaliya oo bilowday qorshe dib loogu habeynayo nidaamka dowladnimo ee dalka

Dowladda Soomaaliya ayaa bilowday qorshe istaraatiiji ah oo wax looga beddelayo hannaanka dowladnimo ee dalka.

Qorshahan oo loogu magac daray Barnaamijka Jiheynta Istiraatijiyadeed ee Dowladnimada Casriga ah oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka daahfuray caasimadda dalka ee Muqdisho ayaa ujeeddadiisu tahay sidii loo horumarin lahaa adeegyada bulshada iyo in hufnaanta nidaamka dowladnimo lagu hagayo.

“Waxaan si firfircoon u qaabaynaynaa mustaqbalka Soomaaliya si aan u rajaynayno 2060-ka. Dadaalkeenna wadajirka ah waa in lagu jiheeyaa sidii loo diyaarin lahaa qorshe istaraatiijiyadeed oo hagaya horumarka dalka sannadaha soo socda,” ayuu Maxamuud ka sheegay kulan laba maalmood socday oo furmay Isniintii iyo waxa ka soo qayb galay khubaro farsamo oo caalami ah iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda,

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in barnaamijkan cusub uu muujinayo socdaal cusub oo lagu horumarinayo hufnaanta  nidaamka dowladnimo.

“Maanta waxay ku beegan tahay munaasabad qiimo leh oo ka mid ah taariikhda dowladnimadeena anagoo u boodnay isbedel muhiim ah oo ku saabsan sida ay dowladeenu uga shaqeyso bixinta adeegyada,” ayuu yiri Xamza. ”

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre  ayaa soo bandhigay qorshayaasha mudnaanta u leh dowladda oo ay ka mid yihiin amniga iyo ciribtirka argagixisada, maalgashiga, shaqo abuurka, xasilloonida siyaasadda, shaqada tignoolajiyada ee hay’adaha dowladda iyo kobaca dhaqaalaha.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed