Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa magacaabay Guddiga Xulista iyo Doorashada Xildhibaannada Soomaaliya ee ku matali doona Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika, taasoo calaamad u ah bilowga rasmiga ah ee geeddi-socodka matalaadda Soomaaliya ee ururkaas.
Qoraalka si wadajir ah ay u saxiixeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheikh Aadan Maxamed Nuur “Madoobe” iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdillaahi, ayaa lagu sheegay in magacaabista guddigan ay salka ku hayso sharciga ku biirista Soomaaliya ee Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika, oo la meel mariyay 13-kii Febraayo 2024.
Guddiga la magacaabay: Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) – Guddoomiye, Senator Zamzam Ibraahim Cali – Guddoomiye Ku-xigeen, Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan) – Xubin, Senator Iftiin Xasan Iimaan (Baasto) – Xubin, Xildhibaan Guuleed Biixi Cabdi – Xubin
Ujeeddada Guddiga loo xilsaaray ayaa ah soo xulo musharixiinta u tartamaya xubinnimada Baarlamaanka Bariga Afrika, diyaariyo liiska musharixiinta buuxiya shuruudaha xubinnimada, una gudbiyo Golaha Baarlamaanka Federaalka si loo ansixiyo.
Sida ku xusan qoraalka, labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa ku amray guddiga cusub in uu si degdeg ah u guda galo shaqadiisa, si loo dardar-geliyo matalaadda Soomaaliya ee Baarlamaanka Ururka Bulshada Bariga Afrika.
Tallaabadan ayaa ka mid ah dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku hirgelinayso waajibaadkii ka dhashay ku biiristii rasmiga ahayd ee dalka ee Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika, taas oo la ansixiyay horaantii sanadkan.
HBN ONLINE TV