Soomaaliya & laba dal oo kale oo Muslmim ah oo qaaday tilaabo culus oo la xiriirta weerarkii Israa’iil ku qaaday Qadar

Soomaaliya, Algeria iyo Pakistan ayaa qaaday tallaabo diblomaasiyadeed oo culus, iyaga oo codsaday in Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay uu yeesho fadhi degdeg ah si looga doodo weerarkii ay ciidamada Israel ku qaadeen magaalada Doha ee dalka Qatar. Dalabkan ayaa yimid kadib markii Qatar ay si rasmi ah uga ashtakootay weerarka, iyadoo ku tilmaantay xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanideeda iyo shuruucda caalamiga ah.

Codsiga saddexdan dal ayaa sidoo kale helay taageero ka timid Faransiiska iyo Ingiriiska, oo ah xubno joogto ah oo ka tirsan Golaha Amniga. Ujeedka ugu weyn ee kulanka ayaa lagu sheegay in la helo jawaab ku habboon oo caalami ah oo ka dhan ah weerarka Israel, kaas oo sababay khasaare rayid iyo walaac weyn oo gobolka Khaliijka ka dhashay.

Soomaaliya, oo hadda kamid ah xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Amniga, ayaa kaalin muuqata ku leh arrintan, iyadoo meteleysa Afrika iyo Carabta. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay si adag u cambaareysay duqeyntii cirka ahayd ee Israel ka fulisay gudaha Doha, iyadoo sheegtay inay ahayd gardarro cad oo liddi ku ah qawaaniinta caalamiga ah.

Bayaanka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan saameynta weerarkaasi ku yeelan karo xasilloonida Khaliijka, halka Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu khadka taleefoonka kula hadlay Amiirka Qatar, Tamim Bin Hamad Al Thani, kuna muujiyay tacsi iyo taageero buuxda. Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay garab taagan tahay Qatar, difaaceeda madax-bannaanida iyo ilaalinta amnigeeda qaranka.

Kulanka Golaha Ammaanka ayaa dhici doona 3-da galabnimo ee saacada New York una dhiganta 9-ka fiidnimo saacada Geeska Afrika, waxaana la filayaa in la soo jeediyo hadalo ad adag oo dhaliil ah oo Israa’iil ka dhan iyadoo inta badan dalalka xubnaha ka ah Golaha oo Soomaaliya ka mid tahay ay si adag u cambaareeyeen ficilka Israa’iil

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed