Wasaaradaha Gaashaandhigga ee Soomaaliya iyo Yemen ayaa soo bandhigay qorshe wadajir ah oo ay kaga hortagayaan khataraha Xuutiyiinta iyo kooxaha halista ku ah gobolka Bariga Afrika. Qorshahan ayaa diiradda saaraya wada shaqayn istiraatiiji ah oo dhinaca Milatariga, is-weydaarsiga xogaha iyo kor u qaadidda awoodda ciidamada labada dal.
Labada dal ayaa muujiyay in ay muhiim tahay in laga hortago faragelinta kooxaha xagjirka ah iyo halisaha isbeddelaya ee ka jira marin-biyoodka muhiimka ah ee Baabul-Mandab iyo badaha Soomaaliya.
Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa khadka taleefanka kula hadlay dhigga dalka Yemen Sareeye Guuto Generaal Mohsen Al-Daeri, xilli ay sii kordhayaan wararka sheegaya in kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaallanta dalkaaasi ay xiriir la leeyihiin kooxaha Alshabaab iyo Daacish oo ka dagaallama gudaha Soomaaliya.
Generaal Mohsen oo tahniyad u diray wasiirka magacabistiisa ayaa sheegay in khibradda Fiqi ay wax weyn ku kordhin karto dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto Al-Shabaab iyo Daacish.
“Sareeye Guuto Mohsen Al-Daeri ayaa caddeeyay in dalkiisu ka go’an tahay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinaca milateriga” ayaa lagu yiri warkooban oo la soo dhigay bogga X wasaaradda difaaca Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa toddobaadkii hore ku dhawaaqay in Soomaaliya ay si rasmi ah ugu biirtay isbahaysiga ay hoggaamiso dowladda Sacuudiga ee la dagaallanka kooxda Xuutiyiinta, isagoo sheegay in kooxdu xiriir toos ah la leeyihiin kooxaha hubeysan ee ka dagaallama Soomaaliya.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xusay in hay’adaha sirdoonka Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen saanad milatari oo ay ka mid yihiin diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), kuwaas oo la rumeysan yahay in Xuutiyiintu ay u gudbinayeen kooxaha hubeysan ee gudaha Soomaaliya.
Dowladda Maraykanka ayaa horey dhowr jeer u sheegtay in xiriir dhow uu ka dhexeeyo Xuutiyiinta iyo kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish, taasoo khatar weyn ku ah xasilloonida iyo amniga guud ee gobolka Geeska Afrika.
HBN ONLINE TV