Soomaaliya iyo UK oo kawada hadlay la-dagaallanka Alshabaab iyo taageerada howlgalka AUSSOM

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qaabilay safiirka cusub ee Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Charles King, iyagoo kulankooda diiradda ku saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda, iyo horumarinta.

Labada mas’uul ayaa si qoto dheer la tilmaamay inay uga wada hadlay xaaladda kala guurka amniga Soomaaliya, gaar ahaan taageerada UK ee howlgalka xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), oo ah howlgal beddelay kii hore ee ATMIS.

Wasiirka iyo safiirka ayaa si gaar ah uga dooday muhimadda ay leedahay in UK ay sii waddo taageerada ciidamada nabad-ilaalinta, si loo sii xoojiyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo in la adkeeyo xasilloonida dalka.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu lafaguray sidii loo sii adkeyn lahaa xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo UK, iyadoo labada dhinacba ay muujiyeen go’aan adag oo ku aaddan xoojinta wadashaqeynta iyo horumarinta danaha guud ee labada dal.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed