Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday hishiis cusub oo ku aaddan Garsoorka iyo Cadaaladda

Shirkii todobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiirada Soomaaliya oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, ayaa Soomaaliya waxa ay ku ansixisay heshiis muhiim ah oo dhanka Garsoorka iyo Cadaaladda ah oo ay la gashay Turkiga. Heshiiskan, oo looga dan leeyahay in lagu wanaajiyo xiriirka laba geesoodka ah, ayaa diiradda saaraya xoojinta iskaashiga garsoorka, bixinta kaalmo sharci, iyo hagaajinta hababka la xiriira isu-celinta iyo xabsiyada tuhmanayaasha, dembiilayaasha, iyo shakhsiyaadka la xukumay.

Heshiiska oo ay ansixiyeen wasiirrada Soomaaliya ayaa la filayaa “inuu fududeeyo wada-shaqeynta aan kala go’a lahayn ee waaxda garsoorka, xaqiijinta kaalmo sharci oo hufan, hannaanka caddaaladda, sida lagu sheegay war-murtiyeedka rasmiga ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Axmed ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda ee Turkiga, Niyazi ACAR, intii uu ku guda jiray socdaalkiisa Soomaaliya. Wada-hadallada ayaa salka ku haya xoojinta xiriirka labada dal iyo sahminta waddooyinka iskaashiga ah ee lagu horumarinayo bixinta adeegyada caddaaladda.

Heshiisku waxa uu tilmaamayaa tallaabo hore loo qaaday oo lagu kobcinayo iskaashiga caalamiga ah si ay uga faa’iidaystaan ​​labada waddan, gaar ahaan dhinacyada garsoorka iyo qaab-dhismeedka sharciga. Waxay hoosta ka xariiqday sida ay Soomaaliya iyo Turkiga uga go’an tahay inay iska kaashadaan horumarinta caddaaladda, sharciga, iyo hufnaanta garsoorka.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa horay u saxiixday hishiis taariikhi ah kaasoo Ankara u ogolanaya in ay difaacdo xeebaha Soomaaliya muddo 10 sano ah, isla markaana dhisto ciidamada badda Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed