Soomaaliya iyo Tanzania oo Muqdisho ku kala saxiixday heshiisyo ay ku jiraan difaaca iyo amniga

Dowladdaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa maanta kala saxiixday heshiis iskaashi oo ka kooban shan cutub oo ka kooban arrimaha dibadda, caafimaadka, dalxiiska, difaaca, iyo waxbarashada.

Munaasabadda heshiiska ay gaareen labada dal oo ka dhacay magaaladan Muqdisho ayaa la tilmamaay inuu sii kordhin doono dhinaca diblomaasiyadda iyo horumarka wadajirka ah.
Heshiiska ay wada galeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macallin Fiqi iyo dhigiisa

Tanzania Maxamuud Thabit Kombo ayaa carrabaabay in uu dhisayo qaab iskaashi oo sare u qaadaya xiriirka diblomaasiyadeed oo ka mid ah iskaashiga dhinaca xasilloonida gobolka, is-weydaarsiga aqoonta, iyo isku-dubbaridka dadaallada caalamiga ah, si kor loogu qaado nabadda.

Sida oo kale, Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulkadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa Tanzania ayaa si rasmi ah u saxiixay heshiis ku saabsan xoojinta iskaashiga difaaca, iyada oo la tilmaamay inuu xoogga saari doono dhisidda awoodaha, barnaamijyada tababarka wadajirka ah iyo dadaallada iskaashiga lagu horumarinayo amniga iyo xasilloonida gobolka.

Ugu dambeyn labada dowladood ayaa qalinka ku duugay heshiis ku saabsan iskaashiga waxbarashada ah, kaas oo diiradda saaraya is-dhaafsiga aqoonta tacliinta, deeqaha waxbarasho iyo barnaamijyada iskaashiga ee lagu xoojinayo nidaamyada waxbarashada ee labada dal.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed