Kulan laba geesood ah oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa yeeshay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar Balcad, iyo safiirka Suudaan u fadhiya Soomaaliya, Abdulrahman Khalil Ahmed Abker Afendi, kaasi oo diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed, amni, iyo bini’aadantinimo ee Suudaan, gaar ahaan colaadaha iyo rabshadaha ka socda magaalada El-Fasher.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay muhiimadda ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo hubinta in gargaarka bani’aadantinimo si ammaan ah loo gaarsiiyo dadka u baahan, kadib markii halkaasi gargaarka si weyn loo xaddiday, ayna jiraan xaalado halis ah oo saameeyay shacabka rayidka ah.
Sidoo kale, waxay isla meel dhigeen muhiimadda wadahadal iyo xal siyaasadeed oo lagu soo afjaro colaadda Suudaan, iyadoo Soomaaliya ay mar kale ku celisay taageerada ay u hayso midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida dalkaasi.
Wasiir Cali Balcad ayaa ku nuuxnuuxsaday in nabadda iyo deggenaanta Suudaan ay muhiim u yihiin guud ahaan gobolka, isagoo xusay in Soomaaliya ay garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Suudaan xilligan adag.
HBN ONLINE TV

