Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis iskaashi difaac la gashay Boqortooyada Sucuudi Carabiya, kaas oo diiradda saaraya tababarrada ciidamada iyo taageerada saadka, sida ay werisay wakaaladda wararka Sucuudiga ee SPA.
Heshiiskan difaac ayaa imanaya xilli isbeddel ku yimid taageerada amni ee Soomaaliya, kaddib markii Imaaraadka Carabta (UAE) oo hore u taageeri jiray qaybo ka mid ah Ciidanka Qaranka Soomaaliya laga saaray dalka.
Dhanka kale, Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa iyaduna faahfaahin ka bixisay heshiiskan, waxayna sheegtay in Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, uu heshiis iskaashi ciidan la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sucuudi Carabiya, Sumuwal Amiir Khaalid Bin Salmaan, Wasiirka Gaashaandhigga Sucuudiga.
Wasaaraddu waxay tilmaantay in heshiiskan uu si weyn u xoojinayo iskaashiga difaaca iyo milateriga ee labada dal, isla markaana uu daboolayo dhinacyo kala duwan oo ay wada danaynayaan Soomaaliya iyo Sucuudi Carabiya.
Heshiiskan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah dadaallada lagu xoojinayo awoodda Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed iyo xiriirka istaraatiijiyadeed ee u dhexeeya Muqdisho iyo Riyaad.
HBN ONLINE TV

