Soomaaliya iyo Sucuudi Carabiya oo kala saxiixday heshiiska xajka ee sanadka ee sanadka dambe

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudi Carabiya ayaa kala saxiixday heshiiska ku saabsan saamiga xajka ee sanadka Hijriga 1447/2026, kaas oo Soomaaliya loogu qoondeeyay 11,500 xujey inay hesho.

Heshiiskan ayaa si rasmi ah loogu saxiixay magaalada Jidda, waxaana dhinaca Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Awqaafta Mukhtaar Roobow Cali, halka dhinaca Boqortooyada Sucuudigana uu u saxiixay Wasiirka Xajka iyo Cumrada Dr. Tawfiq bin Fawzan Al-Rabicah.

Wefdiga Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiir Roobow ayaa haatan ku sugan Boqortooyada Sucuudiga, halkaas oo ay uga qeybgalay Bandhigga Sanadlaha ah ee Adeegyada Xajka iyo Cumrada — oo ah shir caalami ah oo mideeya wakiillo ka kala socda dalalka Muslimka si loo wanaajiyo habsami u socodka adeegyada xujeyda.

Inta lagu guda jiray bandhigga, Soomaaliya ayaa lagu ammaanay dadaalka ay ku bixisay tayeynta adeegyada xujeyda, iyadoo la geliyay kaalinta 4aad ee dalalka ugu sarreeya adduunka ee bixiya adeegyo tayo leh sanadka 2025.

Sidoo kale, Soomaaliya waxaa la siiyay Goobo bandhig gaar ah oo ay ku soo bandhigayso adeegyada iyo qorshayaasha ay u diyaarisay xilliga xajka ee soo socda.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa ku dhawaaqday in qiimaha ugu badan ee adeegga xajka ee 1447/2026 uusan dhaafi doonin $4,543.5, halka Wasaaraddu ay hoosta ka xariiqday in aan lacag la bixin karin ilaa laga shaaciyo qiimaha rasmiga ah ee kama dambaysta ah.

Qiimaha Xajka soo socda ayaa ka yar kii ugu dambeeyay oo ahaa $4,604
Heshiiskan cusub ayaa ah tallaabo kale oo lagu xoojinayo iskaashiga Soomaaliya iyo Sucuudi Carabiya, si loo hubiyo in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay si hufan oo sahlan ugu gutaan waajibaadka xajka.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed