Soomaaliya iyo Slovenia oo ka wada hadlay iskaashiga amniga ee labada dal

Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Yurub ee Slovenia Mrs. Tanja Fajon, oo booqasho ku timid dalka.

Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay, sidii Soomaaliya iyo Slovenia isaga kaashan lahaayeen danaha guud ee labada dal gaar ahaan arrimaha isbeddelka cimilada iyo daryeelka bulshada.

Sidoo kale, waxaa loo hadlay arrimaha amniga guud ee gobalka, gaar ahaan Soomaaliya iyo xuquuqda aadanaha, maadaama ay Soomaaliya ka mid noqoneyso Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay oo Slovenia ay xubin ka tahay.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga warbixiyey dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isaga oo tilmaamay guulaha ay dowladda Soomaaliya dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo arrimaha bulshada, iyadoo Mrs Fajon ku ammaantay Soomaaliya guulaha waaweyn ee ay gaartay labadii sano ee la soo dhaafay.

Kulanka Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Yurub ee Slovenia Mrs. Tanja Fajon, ayaa imaanaya xilli ay booqasho ku timid dalka Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed