Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu, kaasi oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda, iyada oo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta labada dhinac ee ku aaddan danaha wadajirka ah.
Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Yu ayaa kulanka ka sheegay in dowladdiisu ay si buuxda u taageersan tahay madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo carrabka ku adkeeyay doorka Shiinaha ee taageerada amniga dalka.
Dhankiisa, Wasiir Cabdisalaam ayaa xusay in Soomaaliya ay si weyn u qadarinayso iskaashiga sii kobcaya ee kala dhexeeya Shiinaha, oo ay ka mid tahay wada-shaqeynta ka dhexeysa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Shiinaha ayaa ka mid ah dalalka sida dhow uga taageera Soomaaliya dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo ilaalinta midnimada dalka.
HBN ONLINE TV

