Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in iyada la xoojinayo iskaashiga siyaasadeed iyo amni ee ay la leedahay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kaddib kulamo istiraatiiji ah oo ka dhacay magaalada Jeddah.
Kulankan oo dhexmaray Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar, iyo Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Sacuudi Carabiya, Waleed Al Khareyji, ayaa la tilmaamay inuu ka dhacay shirka degdegga ah ee Guddiga Fulinta ee OIC ururka isjaashiga Islaamka.
Shirka OIC ayaa lagu diyaariyay jawaab mideysan oo lagula macaamilayo xaaladda Falastiin iyo go’aamada sharci-darrada ah ee Israa’iil, iyadoo labada wasiir ay isku raaceen in ururka Islaamku ka hortago ku xadgudubka sharciga caalamiga ah iyo ilaalinta xuquuqda aasaasiga ah ee shacabka Falastiin.
Sidoo kale, Kulanku wuxuu ahaa sida la tilmaamay fursad lagu xoojinayo amniga iyo iskaashiga dhaqaale ee Muqdisho iyo Riyadh, iyadoo Wasiir-ku-xigeenka Sacuudiga uu caddeeyay in Boqortooyadu ay taageerayso madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa sidoo kale isku raacay in la xoojiyo adeegyada muhiimka ah ee gudaha iyo hababka isku xirka hay’adaha, laguna dhiso heshiisyo cusub oo amni iyo badaha ah oo dhawaan la saxiixay.
HBN ONLINE TV

