Soomaaliya iyo Rwanda oo kulan gaar ah ka yeeshay la dagaallanka kooxaha argagixisada

Dowladdaha Soomaaliya iyo Rwanda oo kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Kigali ayaa is aragooda diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada, tababarrada ciidamada iyo is-weydaarsiga khibradaha dagaalka.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa dhigiisa yeeshay Rwanda Sareeye Gaas Vincent Nyakarundi kala hadlay arrimo ku saabsan horumarinta howlgalada dhulka iyo sidii loo kordhin lahaa iskaashiga amni ee u dhexeeya labada ciidan, iyagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay wada shaqeyn joogto ah oo lagula tacaalayo kooxaha khalkhalka gelinaya nabadda gobolka.

Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo ciidamada Rwanda taageerada ay siiyaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinaca tababarrada iyo qalabaynta. Wuxuu sheegay in xiriirka labada ciidan uu yahay mid muhiim u ah xasilloonida iyo amniga guud ee Geeska Afrika.

Dhankiisa, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Rwanda Sareeye Gaas Vincent Nyakarundi ayaa ballanqaaday in dalkiisu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya, isaga oo ammaanay geesinimada ciidamada Soomaaliyeed ee dagaalka adag kula jira kooxaha argagixisada.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada labada dal ee lagu xoojinayo iskaashiga dhanka amniga iyo nabadeynta gobolka, iyadoo Soomaaliya iyo Rwanda ay si joogto ah uga wada shaqeeyaan la dagaallanka khataraha argagixisada ee caalamiga ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed