Soomaaliya iyo QM oo kawadahadlay sidii wajihi karo goobaha colaadaha ka dheceen in laga saaro qaraxyada

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan uu la yeeshay Agaasimaha Hay’adda Qaramada Midoobay (QM) ee Miino Baarista Soomaaliya (UNMAS) Mr. Francis O’Grady, si ay uga wada hadlaan xoojinta iskaashiga ku saleysan nadiifinta miinooyinka iyo walxaha qarxa ee yaalla deegaannada laga saaray Alshabaab.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa howlaha nadiifinta miinooyinka ee halis ku ah nolosha dadka rayidka ah, gaar ahaan meelaha ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka dhowaan ka xoreeyeen kooxda Alshabaab. Wasiir Fiqi ayaa carrabka ku adkeeyay sida ay muhiim u tahay in deegaanadaasi laga nadiifiyo walxaha qarxa si dadka Soomaaliyeed ay ugu soo laabtaan nolol caadi ah.

Waxaa sidoo kale laga hadlay muhiimadda ay leedahay taageeridda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA) si ay ula wareegaan masuuliyadda miino-baarista mustaqbalka, taas oo la gaari karo kaliya marka la helo tababar buuxa, qalab casri ah iyo gudbin aqooneed oo joogto ah oo ay UNMAS ka taageerto.

Labada mas’uul ayaa isku raacay in iskaashigooda la sii xoojiyo si loo gaaro yoolka ah amniga waara, soo celinta barakacayaasha si nabad ah, iyo dhismaha awoodo qaran oo waara oo la xiriira la-tacaalidda miinooyinka.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay UNMAS doorka ay ka qaadaneyso taageerada Soomaaliya, isagoo xusay in Soomaaliya ay ku jirto marxalad xasaasi ah oo u baahan dadaal iyo is-kaashi ka dhan ah halista miinooyinka qarxa ee nafaha dadka halis gelinaya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed