Tallaabo lagu xoojinayo horumarka Soomaaliya, ayaa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxa ay bilowday wadahadallo ay la yeelaneyso Qaramada Midoobay si looga gudbo howlgal siyaasadeed oo gaar ah, laguna hormarinayo mustaqbalka dalka. Tallaabadan muhiimka ah, ee looga gol leeyahay in lagu kobciyo wada-shaqeyn ballaaran iyo horumarinta madax-bannaanida qaranka, ayaa lagu sheegay astaan weji cusub oo ay Soomaaliya u gelayso xasillooni iyo horumarka.
Warar ay baahisay warbaahinta dowladda ayaa sheegaya in wadahadalladan ay ku bilowdeen kulan taariikhi ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo ay isugu yimaadeen kooxo farsamo oo ka kala socday labada dhinac ee DFS iyo kuwa Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka Soomaaliya ee UNSOM. Wada-xaajoodyadan oo soo billowday dhawaan, ayaa lagu wadaa inay sii xoogeystaan toddobaadyada soo socda, iyadoo ujeeddadu tahay in la dejiyo jadwal dhammaystiran.
Guddiga farsamo ee Soomaaliya oo ay xubno ka yihiin mas’uulyiin ka socda Xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha, Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Amniga Qaranka, waxaa hoggaaminyay Danjire Yusuf Garaad Cumar, dhinaca UNSOM, inkasta oo Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud, Danjire James Swan uu khadka telefoonka New York uga qeyb galay, waxaa Hoggaamiayay George Conway oo ah ku Xigeenka Eregyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay.
Tallaabadani waxay astaan u tahay horumarka ay gaartay Dowladnimada Soomaaliya, iyada oo sannadka soo socda ee 2025 ay Soomaaliyaa xubin ka noqon doonto Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay.
HBN NEWS DESK