Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Nowray ayaa maanta kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Jonas Gahr Støre.
labada hoggaamiye ayaa si qoto dheer uga wada hadlay horumarinta iskaashiga labada dal, waxayna isla qaateen in la xoojiyo iskaashiga dhaqaalaha, mashaariicda horumarka iyo amniga, isla markaana ay taageero xooggan siiyaan Soomaaliya oo ka soo kabaneysa dagaal sokeee.
Sidoo kale, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray xadgudubka Itoobiya ee ka dhanka ah madaxbannaanida Soomaaliya iyo xasiloonida gobolka. Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey Ra’iisul Wasaaraha Norway dhibaatada ka dhalatay xadgudubka Itoobiya iyo dadaallada dowladda Soomaaliya ee ku aaddan ilaalinta madaxbannaanida iyo midnimada dalka, wuxuu soo jeediyay in Soomaaliya aysan gorgortan ka gali doonin madaxbannaanideeda dhuleed.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Norway la wadaagay dadaallada xooggan ee dowladda Soomaaliya ay ku bixineyso dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, isagoo caddeeyey in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay cirib tirto maleeshiyaadka Alshabaab oo ku tilmaamay ” mid caqabad ku ah nabadda iyo xasiloonida dalka iyo gobolka’.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday jawi isfaham iyo is-afgarad ah, iyadoo labada dhinac ay ku heshiiyeen inay sii wadaan wada shaqeynta iyo iskaashiga dhow ee labada dal.
HBN NEWS DESK