Kulan laba geesood oo maanta magaalada Addis Ababa ku dhexmaray wasiiradda arimaha dibadda ee dalalka Soomaaliya iyo Masar ayaa la sheegay in labada dhinacba ay isku raaceen in la sii xoojiyo iskaashiga ku aaddan isku-duwidda diblomaasiyadeed, nabadda iyo amniga, ganacsiga iyo maalgashiga.
Wahadalada Cabdisalaam Cabdi Cali iyo Badr Abdel Aty oo ku dhex qabsoomay intii ay socdeen shirarka Midowga Afrika ee ka socda caasimadda Itoobiya ayaa la tilmaamay inay dib u xaqiijiyey xiriirka xooggan ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, waxayna
Sidoo kale, waxaa la sheegay inay ku heshiiyeen in la joogteeyo wada-shaqaynta dhow ee marinnada diblomaasiyadeed ee jira, si loo hormariyo danaha wadajirka ah ee xasilloonida gobolka.
Wahadaladan waxay ku soo aadayaan, iyada oo shalay Wasaaradda Difaaca Masar ay soo saartay muuqaallo muujinaya askar iyo qalab milatari, oo ay ku jiraan diyaarado, kuwaas oo loo soo dirayo Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.
Tani waxay imaanaysaa laba maalmo kaddib booqasho uu Qaahira ku tegay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, xili uu Madaxweyne Abdel Fattah al-Sisi uu mar kale xaqiijiyay ka-qaybgalka Masar ee howlgalka, isagoo sheegay in ay tahay mas’uuliyad ka saaran xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan qaaradda Afrika.
Marka laga soo tago ka-qaybgalka AUSSOM, Masar iyo Soomaaliya ayaa sidoo kale kala saxiixday heshiis iskaashi difaac oo u oggolaanaya Qaahira inay ciidamo dheeraad ah u soo dirto Muqdisho, kuwaas oo aan qayb ka ahayn howlgalka Midowga Afrika. Tallaabadan ayaa muujinaysa xiriir milatari oo sii xoogeysanaya oo u dhexeeya labada dal.
HBN ONLINE TV

