Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo Wasiirka Maaliyadda, Biixi Iimaan Cige, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Danjire Richard H. Riley.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan taageerada dowlad-dhiska, maalgelinta, iyo dadaallada Mareykanka uu ku garab taagan yahay Soomaaliya ee la-dagaallanka kooxaha loogu yeero argagixisada Alshabaab iyo Daacish.
Mas’uuliyiintu waxay sidoo kale waxay ka wada hadleen kordhinta taageerada amniga, tababarrada ciidamada, iyo mashaariicda dhismaha hay’adaha qaranka. Safiirka Mareykanka ayaa ku celiyay ballanqaadka dowladdiisa ee taageeridda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, maaliyadda, iyo la-dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada.
Kulanka ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka labada dal iyo iskaashiga ku aaddan sugidda amniga gudaha Soomaaliya.
Hbn Online Tv

