Soomaaliya iyo Liibiya oo xoojinaya xiriirka labada dal isla markaana yeeshay kulan muhiim ah

La-taliyaha sare ee Madaxweynaha Soomaaliya, Amb. Daahir Maxamuud Geelle, ayaa la kulmay Madaxweynaha Liibiya, Maxamed Yoonis Al-Maanfi.

Intii uu socday kulanka, qodobada looga wada hadlay ayaa ahaa sidii loo wanaajin lahaa xiriirka walaaltinimo ee Soomaaliya iyo Liibiya, iyadoo diiradda lagu saaray iskaashiga dhinacyada ganacsiga, amniga iyo siyaasadda.

Labada dal ayaa muujiyay rabitaan wadajir ah oo ku aaddan xoojinta xiriirkooda, iyagoo garwaaqsan muhiimadda ay leedahay wadajirka iyo iskaashiga si loo gaaro yoolalka la wadaago iyo wax ka qabashada caqabadaha guud.

Kulankaan ayaa waxa uu ka dhigan yahay tilaabo horay loo qaaday oo lagu doonayo in lagu abuuro iskaashi xoogan oo dhex mara Soomaaliya iyo Liibiya, taasi oo muujineysa sida ay uga go’an tahay in ay ka wada shaqeeyaan barwaaqada iyo xasiloonida dalalkooda iyo gobolka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed