Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa shaaciyey in ay isfaham buuxa ka gaareen arrimaha la xiriira ixtiraamka madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo iskaashiga gobolka, kaddib kulan rasmi ah oo dhexmaray Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee labada dal — Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay iyo Musalia Mudavadi, iyadoo horaantii bishaan Somaliland ay xafiis loo farisay dhinac badan ka furay magaalada Nairobi.
Kulankan ayaa ka dhacay magaalada Changsha ee dalka Shiinaha, intii uu socday Shirka Heer-Wasiir ee Isuduweyaasha FOCAC, kaas oo lagu xoojiyo xiriirka Afrika iyo Shiinaha.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay) ayaa kulanka ka sheegay in dhammaan wada-hadallada iyo iskaashiyada labada geesood iyo kuwa caalamiga ahba lagu fuliyo oo keliya iyadoo la raacayo hay’adaha dastuuriga ah ee Soomaaliya.
Wuxuu si gaar ah u adkeeyay in la dhowro Madax-bannaanida qaranka, Midnimada dhuleed ee Soomaaliya iyo in la xoojiyo wadajirka gobolka, taas oo uu ku tilmaamay saldhigga xasilloonida Geeska Afrika.
Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Musalia Mudavadi ayaa dhankiisa si cad u muujiyay in Kenya ay garab taagan tahay madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya, isagoo tixraacay mabaa’diida Deris wanaagga, Xushmadda qarannimada iyo iskaashiga gobolka.
Labada dhinac waxay isku raaceen in la dedejiyo qabsoomidda Guddiga Iskaashiga Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Kenya (JCC), si loo dhameystiro heshiisyadii hore ee hakadka galay, loo xoojiyo iskaashiga ganacsiga, waxbarashada, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo arrimaha amniga.
Soomaaliya ayaa uga Mahadcelisay Kenya doorkeeda Nabad-ilaalinta Soomaaliya, gaar ahaan ka qeybgalka howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, kaas oo Kenya ay in ka badan 25 sano kaalin ku leedahay.
Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa sheegay inay Kenya ku xad-gudubtay qaranimada iyo madax-banaanideeda, ka dib markii ay ogolaatay in dalkeeda laga furo xafiis qeyb ka mid ah Soomaaliya oo dal ahaan isugu isu aqoonsan ayna la macaamileyso. Falanqeeyayaasha siyaasadda gobolka ayaa sheegaya in Kenya aanay xeerin wax ixtiraam ah oo ku aadan ilaalinta qaranimo ee Soomaaliya, taasi bedelkeedane ay raacatay danaheeda gaar ah.
Weli arintan Dowladda Soomaaliya kama hadlin, mana jiro masuul bixiyey wax jawaab ah oo ku aadan Xafiiska Somaliland ee Kenya bishaan ka furatay.
HBN ONLINE TV