Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis cusub oo ciidamado dheeraad ah loogu soo dirayo dalka

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa maanta magaalada Jabuuti si rasmi ah u kala saxiixday heshiis lagu kordhinaayo ciidamada dowladda Jabuuti ka jooga gudaha Soomaaliya.

Heshiiskaan ayaa waxaa labada dowladood u kala saxiixay Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi iyo ku simaha Wasiirka Gaashaandhigga dalka Jabuuti Cali Xasan Bahdoon, waxaana goobjoog ahaa masuuliyiin sar sare oo ka kala socday Soomaaliya iyo Jabuuti.

“Heshiiskan ayaa hagaya kordhinta tirada ciidamada Jabuuti ee lagu sii kordhinayo howlgalka ka socda gudaha Soomaaliya, iyadoo la raacayo mabaadi’da iyo mudnaanta ay labada dhinac horey uga heshiiyeen.” ayaa lagu yiri Warsaxafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, safiirka Soomaaliya ee dalka Jabuuti Salaad Cali Jeelle oo xog dheeraad ah ka bixiyey heshiiska lagu kordhinayo Ciidamada Jabuuti ee ku sugan Soomaaliya ayaa yiri “Waxaa todobaadkii hore shiray labada madaxweyne Soomaaliya iyo Jabuuti, shirkaane wuxuu dhamaystir u yahay mirihii shirkaasi”.

Heshiiskaan ayaa sidoo kale la tilmaamay inuu qeyb ka yahay aragti guud oo labada dal ay ka wadaagaan xasiloonida gobolka iyo sida ay uga go’an tahay dowladda Jabuuti taageerada nabadda iyo amniga Soomaaliya.

Gabagabadii dowladda Jabuuti waxay ka mid tahay dowladaha Soomaaliya sida weyn uga taageera dhinacyada amniga iyo horumarinta, waxaana ciidamadeedu ka mid yihiin kuwa nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed