Dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa maanta wadahdal ka yeeshay arimaah Sirdoonka, taasi oo lagu xoojinayo iskaashiga labada hay’adood, kaasi oo lagula dagaalami doono kooxaha loogu yeero Argagixisada iyo Alshabaab.
Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA Mahad Salaad iyo dhigiisa Itoobiya Ridwaan Xuseen ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Addis Ababa, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada hay’adood ee dhanka amniga iyo la dagaalanka Alshaabab.
Kulanka ayaa lagu lafa-guray sida loo dardar-gelin karo wada-shaqeynta labada dal si ay uga hortagaan khataraha argagixisada, gaar ahaan kooxda Alshabaab oo khatar ku ah Soomaaliya, Itoobiya iyo gobolka Geeska Afrika.
Labada masuul waxay isla garteen in la xoojiyo wadashaqeynta iyo isweydaarsiga xogta sirdoon, si loo gaaro nabad iyo xasilooni waarta.
15-kii bishaan, Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in howlgal qorsheysan oo laga fuliyey gudaha dalkaasi in lagu qabtay 82 xubnood oo ka tirsan kooxda Daacish oo lala xariiray garabkooda Soomaaliya, kuwaas oo loo tababaray hawlo argagixiso, kadib howlgallo ka dhacay qaybo badan oo dalka Itoobiya.
HBN ONLINE TV