Soomaaliya iyo Imaaraadka oo wadahadal ka yeeshay cilaaqadka ka dhexeeya iyo Amniga, xili Abu Dubia lagu eedeeyey faragalin xooggan oo ay dalka ku hayso

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Axmed Juma Al-Rumaithi ayaa kulan muhiim ah oo ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ku muujiyay sida ay uga go’an tahay labada dal xoojinta iskaashiga istaraatiijiga ah iyo wada-shaqeynta dhinacyada amniga, horumarka iyo maalgashiga.

Sida lagu sheegay bayaanka rasmiga ah ee kulanka, labada dhinac waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Imaaraadka, taas oo lagu tilmaamay talaabo hor leh oo dhanka wada-shaqeynta ah.

Kulanka ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, si kor loogu qaado xasilloonida gobolka iyadoo la adeegsanayo iskaashi dhow oo joogto ah.

Si kastaba ha ahaatee, kulankani wuxuu kusoo beegmaya, iyadoo warbixin cusub oo uu horaantii bishan daabacay wargeyska Africa Intelligence lagu sheegay in Dowladda Imaaraadka Carabta ay si qarsoodi ah uga dhigatay garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso xarun istiraatiiji ah, halkaas oo lagu kaydiyo hub, diyaarado aan duuliyayaal lahayn (drones) iyo ciidamo ajaanib ah oo loo dirayo dagaalka ka socda dalka Suudaan, gaar ahaan kuwa RSF.

Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in garoonka Boosaaso oo si rasmi ah loogu adeegsado duulimaadyada rayidka ah, hadda loo isticmaalayo shixnado iyo howlgallo qarsoon, taasoo su’aalo ka keenaysa doorka Imaaraadka ee gobolka iyo ujeeddooyinka dhabta ah ee ka dambeeya hawlgalladaasi.

Imaaraadka Carabta ayaa si rasmi ah u beeniyay inuu hub siinayo RSF, isagoo sheegay inay yihiin howlaha uu ka wado Afrika kuwo bani’aadanimo.

Ma dhabbaa in Imaaraadku uu hawlo qarsoodi ah oo la xiriira dagaalka Suudaan ka wado garoonka diyaaradaha Boosaaso?

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed