Soomaaliya iyo Iiraan oo ka wada hadlay soo celinta xiriirkooda Diblumaasiyadda

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi iyo ku-simaha wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Ali Baqiri ayaa kulan ku yeeshay magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga, waxaana la isku afgartay in lasii qoto dheereeyo xiriirka labada dal.

Kulanka ayaa ka dhacay magaalada Jeddah ee dalka Sacuudi Carabiya iyadoo uu barbar socday shirka guddiga fulinta ee ururka iskaashiga Islaamka ee OIC. Intii uu socday kulanka, sii hayaha xilka wasiirka arrimaha dibadda Iran ayaa soo dhaweeyay hindisaha dowladda Soomaaliya ay ku gogol xaareyso dib u soo celinta xiriirka labada dal.

“Waxaan aaminsanahay in dalalka Islaamku ay xoojiyaan xiriirkooda si waafaqsan danaha guud iyo faa’iidooyinka iyo iska-hor-imaadka cadawga dunida Muslimka,” ayuu ku nuux-nuuxsaday Bagheri.

Bagheri waxa uu uga digay Israa’iil in aanay khatar ku ahayn dadka reer Falastiin oo keliya, balse sidoo kale waxa ay khatar ku tahay dhammaan ummadda Islaamka ah, waxana uu carrabka ku dhuftay in dawladaha Islaamku ay tahay “in ay yeeshaan cod wax ku ool ah, siyaasad iyo tallaabo ka dhan ah hanjabaadaha taliska Sahyuuniyadda.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somalia, Axmed Macallin Fiqi ayaa taageeray dib u soo celinta xiriirkii Iiraan kala dhexeeyay Somalia, isagoo dhinaca kalena cambaareeyey xadgudubka Israa’iil ee ka dhanka ah madaxbannaanida iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan iyo kan Falastiin.

Soomaaliya iyo Iran ayaa waxaa u dhexeeyay khilaaf tan iyo 2016-kii, balse Soomaaliya waxay bishii March 2024 ku dhawaaqday inay doonayso inay dib u soo celiso xiriirkii ay la lahayd Iran, taasoo calaamad u ah inay si weyn uga baxday xiriirkii u jaray tan iyo sannadkii 2016-kii, ka dib markii la sii daayay 33 kalluumaysato iyo badmaaxayaal u dhashay dalka Iran, kuwaas oo Muqdisho loogu xidhay falal kalluumaysi sharci darro ah oo ay ka sameeyeen xeebaha Soomaaliya.

Go’aanka xiriirka diblumaasiyadeed loogu jaray dowladda Iran ayaa waxaa qaadatay dowladda Soomaaliya bishii Janaayo ee sanadkii 2016, xilligaasi oo uu hoggaaminayay madaxweynihii xilligaas Xasan Sheekh Maxamuud.

Eedeymo loo jeediyay dublamaasiyiinta Iran iyo hay’adaha gargaarka, ayaa lagu eedeeyay inay isku dayeen inay faafiyaan madhabta Shiicada gudaha Soomaaliya. 7-dii Janaayo 2016, xukuumadda Muqdisho ayaa ku amartay dhammaan diblomaasiyiinta Iran iyo shaqaalaha safaaradda inay 72 saacadood gudahood uga baxaan.

 

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed