Soomaaliya iyo Falastiin oo wadajir ah uga horyimid aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Wasiiradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Falastiin Cabdisalaan Cabdi Cali iyo Varsen Aghabekian Shahin ayaa magaalada Jeddah ee dalka Boqortooyada Sacuudiga Carabiya ku yeeshay kulan gaar ah kula yeeshay oo labada masuul ay uga wada hadlaan arinta la xariirta aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland.

Labada Wasiir ayaa si wadajir ah u muujiyay walaacooda la xiriira aqoonsiga Israa’iil ay siisay Somaliland oo ay sheegeen inuu yahay mid si toos ah uga hor imaanaya shuruucda caalamiga iyo midnimada Qaranimada Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Cali Dhaay ayaa dhigiisa dalka Falastiin uga warbixiyay sida dowladda Soomaaliya u xoojisay dadaaladeeda diblumaasiyadda iyo difaaca midnimada dalka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Falastiin Varsen Aghabekian Shahin ayaa dhankiisa sharci daro weyn ku tilmaamay aqoonsiga Israa’iil ay sheegtay iney siisay Somaliland, isagoona balan qaaday iney Soomaaliya ka taageerayaan difaaca midnimada dalka iyo madaxbannaanideeda dhuleed.

Kulanka labadaan Wasiir ayaa imaanaya, xili ay ka qeyb galayaan shirka Ururka Iskaashiga Islaamka ee ka socda magaalada Jeddeh ee dalka Sacuudi Carabiya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya iyo wafdiga uu hoggaaminaya ayaa saacadihii la soo dhaafay kulamo gaar gaar ah halkaas kula qaatay sacaadahii lasoo dhaafay masuuliyiin ka kala socotay dalalka Sacuudiga, Kuwait, Masar iyo wadamo kale oo qeyb ka ah shirkaan.

Ugu dambeyntii Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) kalfadhigiisa 22- aad oo ahaa mid deg dega ahaa kana dhacay xarunta OIC ee Jeddah ayaa lagu sheegay in aqoonsiga Israa’iil uu yahay jebin cad oo sharciga caalamiga ah, islamarkaana khatar ku ah amniga iyo xasiloonida gobolka Geeska Afrika.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed