Magaalada Dooxa ee caasimadda Qadar waxaa ka furmaya shir-wadaagga gogol-xaarka ah ee Wasiirrada Arrimaha Dibadda dalalka xubnaha ka ah ururrada Jaamacadda Carabta iyo Iskaashiga Islaamka, oo ujeedkiisu daaranyahay isku-duwidda mowqifyada iyo dejinta ajandaha shir-madaxeedka deg-degga ah ee madaxda iyo hoggaamiyeyaasha carbeed ay iskugu imaanayaan oo lagaga hadlayo duqeymaha cirka ee Israa’iil ka geysatay Qadar.
Goor sii horeysay war kooban oo ururka kasoo baxay ayaa lagu yiri “Waxaa maanta magaalada Doha lagu qabtay kulanka diyaar-garowga ee wasiirrada arrimaha dibadda Carabta iyo Islaamka, kaasi oo hordhac u ah shir-madaxeedka degdegga ah ee Carabta iyo Islaamka”.
Kulanka wasiirrada ayaa waxaa guddoomiyay Sheekh Maxamed bin Cabdiraxmaan Al Thani, oo ah Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qatar. Shirkan ayaa diiradda lagu saaray weerrarkii Israa’iil ku qaaday Qatar, arrin ay dalalka Carabta iyo Islaamku ku tilmaameen xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida dowlad madax-bannaan.
Kulanka ayaa qayb ka ah dadaallada socda ee lagu mideynayo mowqifka Carabta iyo Islaamka, iyadoo la filayo in natiijooyinka wasiirradu ay gogol-xaadhan u noqdaan shir-madaxeedka madaxda dowladaha ee lagu wado in uu ka dhaco isla magaalada Doha.
Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Jamaal Rushdi, ayaa sheegay in shirka Dooxa uu xambaarsan yahay farriin ku aaddan midnimo buuxda oo ay la leeyihiin Qatar.
Rushdi ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka Qatar ee (QNA) in shir madaxeedkan ugu horreyn looga hadli doono cawaaqib xumada ka dhalan karta weerarka Israa’iil ay ku qaadday Qadar, waxaana la filayaa in dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka ay si buuxda u muujiyaan fekerkooda.
Dalalka ka qeyb galaya waxaa ka mid ah Soomaaliya, oo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdisalaan Cabdi Cali, uu shalay gaaray halkaas. Goor sii horaysay waxaa gaaray Madaxweynaha Maamulka Falastiin, Mahmuud Abbas, iyadoo shirar doceedyo hadda si gooni gooni ah u socdaan.
HBN ONLINE TV