Munaasabad kooban ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo uu ka socdo shirka sanadlaha ah ee bangiga horumarinta Afrika. Munaasabadda ayaa lagu saxiixay heshiis muhiim ah oo dhanka maaliyadda ah oo ay wada saxiixdeen dowladda federaalka Soomaaliya iyo Bankiga Dhexe ee AfDB, tallaabadan oo ku soo beegantay xilli xasaasi ah oo dunidu ay la tacaaleyso saameynta isbedelka cimilada.
Heshiiskan ayaa waxaa si wada jir ah u saxiixay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige iyo Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Horumarinta Afrika . Beth Dunford. Wadashaqeyntan ayaa la filayaa in ay ka caawiso Soomaaliya oo ah dal ay si weyn u saameeyeen isbadalka cimilada, una baahan taageero dhaqaale.
Saxiixa ka dib waxa hadal kooban ka jeediyay Biixi Iimaan Cige, waxaanu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay taageerada uu Baanku u fidiyay, waxaanu tilmaamay faa’iidada ay Soomaaliya u leedahay iskaashigan. Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga Bangiga Horumarinta Afrika, gaar ahaan marka la eego dib-u-habaynta maaliyadeed ee lagu guuleystay iyo hannaanka socda ee xoraynta dhaqaalaha dalka.
Taageerada Bangiga Horumarinta Afrika ee Soomaaliya ayaa si isdaba joog ah u kordhaysay tan iyo markii si rasmi ah loogu guuleystay isbedellada maaliyadeed ee dalka iyo furitaanka dhaqaalihiisa. Heshiiskan maaliyadeed waxa uu caddayn u yahay sida ay Bangiga Horumarinta Afrika uga go’an tahay in ay Soomaaliya ka taageerto socdaalkeeda ku aaddan soo kabashada dhaqaalaha iyo dib u soo kabashada.
Horumarkan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo ay Soomaaliya qaaday, iyadoo ay soo ifbaxday rajo laga qabo xiisadda cimilada adduunka. Waxay hoosta ka xariiqday muhiimadda iskaashiga caalamiga ah iyo doorka hay’adaha maaliyadeed ay ku taageerayaan waddammada dadaalkooda ku aaddan dhisidda mustaqbal waara oo adkaysi leh.
HBN NEWS DESK

