Soomaaliya & Itoobiya oo dib u soo celiyay xiriirkoodii dhanka diblumaasiyada

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud & Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa dhamaadkii kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Addia Ababa waxay ka soo saareen warmurtiyeed lagu faahfaahiyay waxyaabaha laga wadahadlay ee labada dhinac isku afgarteen.

Warmurtiyeedka ayaa waxaa lagu sheegay in Soomaaliya & Itoobiya ayaa dib u xaqiijiyeen go’aankooda ku aaddan xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo midka gobolka, waxay isku raaceen in dib loo soo celiyo xiriirka labada dal iyada si rasmi ah loo soo celinayo xiriirkii dhana diblumaasiyada lana furi doono safaaradaha aasimadaha labada dhinac, taasi oo lagu xoojinayo wada shaqeynta goobaha caalamiga ah iyo kuwa gobolka ee danaha wadaagga ah.

Wadahadalladu waxay diiradda saareen xoojinta iskaashiga amniga si wax looga qabto khataraha sii kordhaya ee ay wadaan wax loogu yeeray kooxaha xagjirka ah ee gobolka. Labada hoggaamiye waxay amreen hay’adahooda amniga in ay si dhow u wada shaqeeyaan si loo horumariyo nabadda iyo xasilloonida. Sidoo kale, waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimada ay leedahay kor u qaadista xiriirka dhaqaale iyada oo la ballaarinayo ganacsiga, maalgeshiga, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha si loo gaaro barwaaqo wadaag.

War murtiyeedka ayaa waxaa lagu sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay mar kale caddeeyeen sida ay uga go’an tahay hirgelinta Bayaanka Ankara, labada dal waxay ballanqaadeen in la dedejiyo wadahadallada farsamo ee lagu heshiiyay, lana sii xoojiyo saaxiibtinimada iyo midnimada, waxanaa lagu sheegay in iskaashigan cusub uu yahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka xasilloonida gobolka iyo horumar waara oo laga gaaro Geeska Afrika.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed