Soomaaliya ayaa kulan degdeg ah isugu yeertay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Africa

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta kulan degdeg ah oo khadka internetka ah la yeeshay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Africa, kaas oo looga hadlay arrimaha saameynaya midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Kulankan oo ay guddoomineysay wasiirka arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, Thérèse Wagner, ayey Soomaaliya ku dalbatay qodobka 7 oo dhigaya in ay ka fiirsadaan xaalada marka dal xubin ka ah madaxbannaanidiisa ay khatar gasho.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan, ayaa sheegay in Soomaaliya ay diidan tahay wax ay ku tilmaantay tallaabo hal dhinac ah oo Israel ku dooneyso in ay ku aqoonsato gobolka waqooyiga Soomaaliya. Wasiirka ayaa ku celiyay markale in Soomaaliya ay tahay hal dal oo aan lakala qeybin karin iyadoo Somaliland ay ka mid tahay Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya

Wasiirka waxa uu ka digay in tallaabooyinka xaqiraya madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya ay khatar ku yihiin nabadda iyo xasiloonida geeska Afrika iyo Badda Cas. Wuxuuna ka dalbaday xubnaha Midowga Afrika in ay xaqiijiyaan midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed