Soomaaliland oo Sharuud ku Xirtay in Ciidankeeda ay Kala Baxdo Laascaanood

Soomaaliland ayaa Shuruud ku Xirtay in Ciidamadeed ay kala baxdo magaalada Laascaanood ee gobolka kadib kulan ay yeesheen Madaxweynaha Soomaaliland iyo Safiirada beesha calaamka, kulaan ayaa ku qabsoomay Aallada fogaan aragga ee Zoom-ka.

Kullankaan ayaa looga doodday xaaladda magaalada Laascaanood sidii xal waara looga gaari dagaalka dabadheeraaday ee u dhaxeeya Ciidanka Soomaaliland iyo kuwa deegaanka ee SCC.

Safiirada, ku xigeenada iyo dublamaasiyiinta ayaa soo jeediyay in Soomaaliland ay ugu horreyn Ciidankeeda ay kala baxdo goobaha ay kaga sugan yihiin Laascaanood.

Balse Madaxweynaha Soomaaliland ayaa shuruud soo jeedinta Safiirrada beesha Caalamka, Biixi ayaa hoosta ka xariiqay in marka hore Puntland ay Ciidamadeeda kala baxdo Magaalada Laascaanood, asiga oo ku lifaaqay hadalkiisa kulankaas.

Dhankale Puntland ayaa horay iskaga fogeeysay in Ciidankeedu ay ku jiraan dagaalka magaalaada Laascaanood, balse Soomaaliland dhowr sheegatay in dagaalka gobolka Puntland ay qeyb ka tahay

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed