Soomaaliland oo mucaaradku ku cadaadinayo sii deynta Xildhibaan Abiib oo ay ku sheegeen codkii Awdal

Musharax Madaxweynaha Xisbiga Waddani ee Soomaaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa sheegay in Xildhibaan Maxamed Abiib uu yahay codka shacabka gobolka Awdal, isla markaana aanu mudnayn in la aamusiiyo.
Huggaamiye Cirro oo sheegay in uu saaka ku jarmaaday xabsiga Madheera ee lagu hayo xildhibaanka ayaa sheegay in uu taageero u muujiyay, isla markaana uu ka waraystay hab dhaqanka uu kala kulmay maamulka xabsiga.
“Xildhibaanka oo aan la kulmay waxa aan ka xaal wareystay xaladdiisa caafimaad, bad-qabkiisa iyo qaabka loola dhaqmo, Xisbi ahaan iyo musharrax ahaanna waxa aan u caddeeyey inuu caddaalad heli doono, sharci darro iyo dastuur jabinna uu ku xidhan yahay, Somaliland oo dhamina ay xadhigiisa ka gilgilatay” ayuu Cirro ku baahiyay bartiisa X.
Sida oo kale waxaa uu ku tilmaamay Maxamed Abiib xildhibaan shakhsiyad adag oo aan si fudud loo huggaamin karin, oo dulmi diid ah, isaga oo cadeeyey in uu cod u yahay bulshada uu ka soo jeedo ee gobolka Awdal, waxaana uu ku baaqay in si deg deg ah loo sii daayo.

“Xildhibaan Abiib, waa shakhsiyad keenadiid ah, dulmidiid ah, oo u ah bulshada reer Somaliland caroogga iyo codkooda dheer, ma istaahilo mana mudnayn in afka laga xidho codkaas oo ku fadhiya matalaad reer Awdal ah, waxa aan ku baaqeynaa in xildhibaanka degdeg xorriyaddiisa loogu soo celiyo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cirro.

Xubnaha golaha Wakiilada Soomaaliland ayaa laalay eedaha loo haysto xildhibaanka oo uu xeer ilaaliyaha guud u gudbiyey golaha, ka dib markii lasii dayn waayayna shirguddoonka, ayaa maxkamada sare ka dalbaday in ay go’aan ka gaadho eedaha ka dhan ka ah xildhibaanka.

Xildhibaan Maxamed Abiib ayaa aad u dhalliili jiray xukuumada Soomaaliland ka hor intii aan la xidhin, waxaana 2-dii bishaan laga xidhay madaarka Cigaal ee magaalda Hargaysa, mar uu ka soo laabtay dalka Imaaraatka Carabta.

Ehelada uu ka soo jeeda ayaa dalbaday in la siidaayo Xidlhiaanka, iyada oo ku goodiyey in jawaab ay ka bixi doonaan, haddi baaqooda aan la dhageysan.

Ururada Bulshada rayidka Soomaaliland oo sheegay in ay ku booqdeen xabsiga uu ku xiran yahay Maxamed Abiib ayaa sheegay in aan la qadarin xasaanaddiisa oo aan lagu qadarin, iyada oo ka dalbaday Xukuumadda in dib ay xoriyaddiisa u siiso.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed