Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Somaliland ayaa maanta soo saartay amar degdeg ah oo ku wajahan ajaaniibta ku sugan deegaanada kala duwan ee maamulka, kuwaasi oo aan haysan wax sharci ah oo oggolaanaya joogitaankooda. Amarkan ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in uu yahay mid lagama maarmaan u ah sugidda amniga, xasilloonida iyo ilaalinta nidaamka sharciga ah sida warka loo dhigay.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliland Cabdalle Maxamed Carab, ayaa warqad rasmi ah u diray guddoomiyeyaasha gobollada, taliyeyaasha ciidamada amniga iyo hay’adaha kale ee ay khuseeyso arintan, isagoo faray in la bilaabo olole ballaaran oo lagu qab qabanayo dhammaan ajaaniibta aan sida sharciga ah ku joogin gudaha Somaliland.
Sida lagu caddeeyey amarka ka soo baxay Wasaaradda, hawlgalladan ayaa si rasmi ah uga bilaaban doona deeganada Soomaaliland 30-ka bishan Abriil waxeyna socon doonaan ilaa 2-da bisha May ee sanadkan.
Wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyay in fulinta amarkani loo sameyn doono si degdeg ah oo waafaqsan sharciga Soomaaliland.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sidoo kale ugu baaqday dhammaan ajaaniibta ku sugan gudaha Somaliland inay si degdeg ah u hubiyaan saxnaanta sharciyadooda, si ay uga fogaadaan in lala beegsado hawlgallada qorsheysan ee bilaaban doona maalinta bari ah.
HBN ONLINE TV