Soomaaliland ayaa habeen 3-aad waxaa ay xabsi ku heysaa Xidlhibaan Maxamed Abiib Yuusuf oo 2-dii bishaan ay ka xirtay madaarka maagalada Hargeysa. Somaliland waxyaabaha ay ku soo eedeysay waxaa ka mid ah sida ay hadalka u dhigtay dambi uu faraha kula jiray, balse ilaa iyo hadda lama soo bandhigin dambiga uu faraha kula jiray, nuuca uu yahay iyo cida uu dambiga ka galay.
Xeer ilaalinta guud ee Somaliland oo ka jawabaysa xasaanad ka qaadiddii Xildhibaan Maxamed Abiib ee ay laaleen golaha wakiilladu ayaa sheegtay in Xildhibaanka la qabtay isaga oo Dambi faraha kula jira.
”Waa laba xaaladood oo kala duwan habraaca loo marayo maamuus ka xayuubinta xildhibaanka marka la soo xiro isagoo dambi faraha kula jira iyo markuu xirneyn sida ay dhigayaan qodobada dhanka dastuurka ah” ayaa lagu yiri warkan oo ka soo baxay xeer ilaalinta Somaliland.
Maalinimadii shalay, Xildhibaan golaha Wakiillada Somalilan ayaa diiday in xasaanad ka xayuubinta xildhibaanka, waxaana ka hor timid 51 ka mid ahaa 57 mudane oo aqalka golaha soo xaadiray.
Xildhibaan Maxamed wajahayey mudooyinkii ugu dambeeyey sida hadalka uu dhigay culeysyo kaga imaanayey Madaxtooyada Somaliland looga taliyo, kaasi oo uu ku eedeeyey in uu shirqoolayo.
HBN ONLINE TV

