Dadka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Iran ayaa muujiyay walaac xoogan oo ku aaddan colaadda sii kordheysa ee u dhaxaysa Iran iyo Israa’iil, taas oo saameyn ku yeelatay nolol maalmeedkooda iyo amniga guud ee ay dareemayaan.
Axmed Maxamuud Cabdi, oo ah ganacsade Soomaaliyeed oo muddo ku noolaa Iran, ayaa wareysi uu siiyay BBC Somali ku sheegay in weerarrada isdaba joogga ah ee Israa’iil ku beegsaneyso Iran ay sababeen dareen cabsi iyo isbeddel ku yimid dhaq-dhaqaaqyada bulshada.
“Dadku waa dad dagaallo yaqaana, way iska joogaan, laakin isbeddel waa laga dareemayaa meelaha qaarkood,” ayuu yiri Axmed.
Wuxuu sheegay in duqeymaha Israa’iil ay si gaar ah u beegsadeen goobo shacab, isbitaallo iyo xarumo dowladeed, taasoo keentay in isu-socodka dadweynaha uu yaraado, isla markaana dadka ku nool gudaha waddanka ay muujiyaan taxaddar badan.
Sida uu sheegay Axmed, tirada guud ee dadka Soomaaliyeed ee ku sugan Iran ayaa lagu qiyaasaa 6 ilaa 7 qof, kuwaas oo u badan arday iyo ganacsato. Wuxuu xusay in mid ka mid ah ardayda Soomaalida uu si fudud ugu dhaawacmay firidh kasoo gaaray qarax ka dhacay meel u dhow Jaamacadda Tehran.
“Wuxuu yidhi ‘xagga Asarbajaan ayaan u kacayaa’, hadda wuu sii safrayaa,” ayuu yiri Axmed, isagoo sheegay in xaaladda ardaygaasi ay ka sii raynayso.
Dadka Soomaalida ah ee Iran ku sugan ayaa maanta yeelanaya kulan gaar ah oo ay kaga tashanayaan inay waddanka sii joogaan ama ay ka qaxaan, maadaama laga cabsi qabo in dagaalka uu ku fido dalal kale oo gobolka ah, taasoo khatar gelin karta dadka ajnabiga ah ee ku sugan Iran.
Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan hadal xaaladda dadka Soomaaliyeed ee ku sugan Iran, balse wararku waxay muujinayaan baahi degdeg ah oo loo qabo in la helo taageero iyo qorshe badbaado haddii xiisaddu kasii darto.
HBN ONLINE TV