Hay’addaha Sirdoonka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa maanta shaaciyey in ay kala saxiixdeen heshiis is faham wada shaweyn ah, kaasi oo looga hortagayo sida hadalka loo dhigay arimaha nidaamka maaliyadeed ee lacag dhaqista kooxaha hubeysan ee argagixisad loogu yeero.
Heshiiska oo ay u kala saxiixeen Soomaaliya iyo Turkiga Hay’adda Sirdoonka Maaliyadda iyo Xarunta Warbixinadda Maaliyadda ayaa lagu sheegay in looga gollahaa adkeeynta xiriirka saaxibtinimo & wada shaqeynta labada dowladood & in ay iska kaashadaan ka hortaga dembiyada maaliyadda, lacag dhaqida & la dagaalanka maalgalinta argagixisada.
Dhiacyada Sirdoonka Maaliyadda ee labada dal ayaa la carrabaabay in ay iska kaashan doonaan si waafaqsan sharciga ka hortaga lacag dhaqidda & la dagaalanka maalgelinta argagixisada ee dalalkooda, ururinta, hormarinta, falanqeynta macluumaadka & xogaha la xiriira dembiyada maaliyadda ee ka dhaca laba dal.
Sida oo kale heshiiska ayaa la sheegay in uu sare u qaadi doono isla markaana xoojinayo talaabooyinka & qorshayaasha ka hortaga dhammaan dembiyada maaliyadda ee ka dhaca labada dal, iyada oo la raacayo mabaadi’da isweydaarsiga macluumaadka ee u dhexeeya Hay’adaha Sirdoonka Maaliyadda & kan caalamiga ah, ayna ku jirto is weydaarsiga warbixinadda dhaq-dhaqaaqyada shakiyada leh.
Warbixinta heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga ayaa lagu celiyey in uu muhiim u yahay ilaalinta shabakadaha sirdoonka maaliyadeed ee xoojinta xiriirka hanaanka la dagaalanka dembiyada maaliyadeed, nabadgalyada & sare u qaadista kobaca dhaqaalaha ee labada dal.
Munasabada lagu kala saxiixanayey heshiiskan ayaa goobjoog ka ahaayeen safiirka soomaaliya u fadhiya turkiga Ambassador Fathudin, agaasimaha xarunta warbixinnada maaliyadda Marwo. Aamina Maxamed Cali & Agaasimaha hay’adda sirdoonka maaliyadda Turkiga . Hassan Keymak.
HBN ONLINE TV

