Ra’iisal wasaaraha itoobiya Abiy Axmed ayaa la filayaa inuu maalinta berri ah soo gaaro magaaladda muqdisho isagoo kulan la qaadan doona madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud.
Waxaa soo dhaweyntiisa si aad ah looga dareemaya magaalada Muqdisho oo boorar uu ku xardhan yahay lagu soo dhajiyey wadooyinka hal-bowlaha ah.
Socdaalka Ra’iisal wasaaraha itoobiya ayaa daba socda kulama ka dhacay Addis Ababa oo looga hadlayay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labadda dal oo xumaaday ka dib markii itoobiya ay heshiis la gaartay Somaliland taas oo Soomaaliya ay ka soo horjeesatay.
Ka dib heshiiskii labadda dal ay ku gaareen Ankara mas’uuliyiinta labadda dal ayaa waday kulamo badankood ay ka dhaceen Addis Ababa kuwaas oo la iskugu soo dhawaynayo danaha labadda dal.
HBN ONLINE TV