Somaliya oo beenisay inay hub u gacan-geliso dalalka dariska ah: Somaliland & Maraykanka

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar Balcad, ayaa si adag u beeniyay eedeymaha sheegaya in Soomaaliya looga gudbiyo dalalka dariska ah. Wuxuu carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay dagaal ugu jirto sidii loo joojin lahaa qulqulka hubka ee gudaha soo gala—ee aysan jirin wax hub ah oo ka baxaya dalka.

Isagoo la hadlayey Telefeshinka Al Jazeera intii lagu guda jiray Madasha 23-aad ee Doha, Wasiir Cumar wuxuu sheegay in “halka kaliya ee hubku ka soo galo Soomaaliya ay tahay Yaman,” isla markaana aanay jirin wax caddayn ah oo muujinaysa in hub Soomaaliya looha gudbiyo kooxda Xuutiyiinta.

Wasiirku wuxuu ka hadlay arrimo badan oo gudaha iyo gobolka ah. Isagoo ka hadlaya is-afgaradkii muranka dhaliyay ee u dhexeeyay Somaliland iyo Itoobiya, wuxuu ku adkeystay in dowladda federaalka ay u aragto is-fahamkaas mid qaanuunka ka baxsanaa oo aysan waxba ka jirin.

“Somaliland waa qayb ka mid ah Soomaaliya, dowlad federaal ahaanna… iyadaa keliya ayaa mas’uulka ka ah arrimaha la xiriira dalalka shisheeye,” ayuu yiri Cali Balcad, isagoo intaasi raaciyay in hadda Soomaaliya iyo Itoobiya ay gaareen faham cusub oo ku saabsan iskaashi, isla markaana heshiiskii hore ee Somaliland–Itoobiya “uusan miiska saaranayn.”

Wasiirku wuxuu markale xaqiijiyay in Soomaaliya ay doonayso xiriir iskaashi oo wanaagsan oo ay la yeelato Itoobiya iyo Kenya si loo xoojiyo danaha wadajirka ah.

Cumar wuxuu sidoo kale ka jawaabay hadallo siyaasadeed oo ka soo yeeray Mareykanka oo lagu dhaliilayay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minneapolis. Wuxuu ku tilmaamay Soomaalida Maraykanka “inay yihiin qayb muhiim ah oo ka mid ah bulshada Maraykanka,” isagoo xusay in in ka badan 60% ay haystaan dhalashada Mareykanka, dhaqaale ahaan wax ku biiriyaaan, isla markaana ay reerahooda ku taageeraan lacagaha ay diraan.

Wuxuu rajo ka muujiyay in hadallada taban ee dhowaan ka soo yeeray madaxweyne Donald Trump “uusan sii wadin,” isagoo amaanay hoggaamiyeyaasha Mareykanka gaar ahaan kuwa magaalada Minneapolis oo uu sheegay inay si joogto ah u taageereen bulshada Soomaaliyeed.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed