Waxaa ka dhashay khasaare sababay naf iyo mid hantiyadeed shilka dhowr gaari oo ka dhacay magaalada Oog ee gobolka Saraar, kadib markii ay isku dhaceen afar gaadiid oo marayay gudaha magaalada.
Xogaha hordhaca ah ayaa tilmaamaya in shilkaasi uu dhawaac soo gaaray dad shacab ah, hase yeeshee ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ay soo saareen laamaha ammaanka ama masuuliyiinta gobolka oo faahfaahin ka bixiya tirada khasaaraha.
Gaadiidka isku dhacay ayaa la sheegay in qaarkood ay sideen Qaad iyo alaabooyin kale. Shilalka noocan oo kale ah ayaa muddooyinkan ku soo badanaya guud ahaan Somaliland, taasoo walaac ku abuurtay bulshada.
Todobaadkan oo keliya ayay ahayd markii lix gaadhi ay isku dhaceen deegaanka Geel-lookor ee gobolka Saaxil.
Bulshada iyo hay’adaha ay khusayso ayaa ugu baaqaya darawallada in ay muujiyaan taxaddar dheeraad ah, isla markaana la xoojiyo wacyigelinta badbaadada waddooyinka si loo yareeyo shilalka gaadiidka.
HBN Online TV

