Maxkamadda Ciidamada Darajada 1-aad ee Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqday xukun dil toogasho ah oo lagu riday Ex- C. Qaran Aabi Muuse Cilmi, kaddib markii lagu helay dambiga ah inuu si ula kac ah u dilay Marxuum Cabdi Haybe Khayre, oo sidoo kale loo yaqaanay Cabdi Dheere.
Dilka ayaa ka dhacay magaalada Hargeysa, gaar ahaan degmada Axmed Dhagax, abbaara 10-kii subaxnimo 7-dii bishaan Octobar. Ciidamada Booliska Somaliland ayaa dambiilaha ku soo qabtay howlgal degdeg ah oo ay sameeyeen kadib falkaasi dilka ah.
Intaa waxaa dheer, Maxkamaddu waxay xukun 4 sano oo xabsi ciidan ah ku riday seddex xubnood oo lagu helay inay gacan siiyeen dambiilaha inta uu falku socday iyo kadib.
Xukunka maanta la soo saaray ayaa qayb ka ah dadaallada Somaliland uu ku doonayo in lagu adkeeyo amniga iyo ku dhaqanka sharciga, iyadoo dilka marxuumka ay si weyn uga argagaxeen bulshada magaalada Hargeysa.
HBN ONLINE TV