Somaliland oo xabsiga dhigtay xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka

Ciidamada Booliska Magaalada Hargeysa, ayaa xabsiga u taxaabay saddex Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa, ka dib markii ay ka soo horjeesteen qorshe ay dawladda Hoose ku doonaysay in dadka danyarta ah laga raro goob loogu talo galay in loo dhiso.

Telefiishanka Maxaliga ah ayaa sheegay in masuuliyiinta la xiray ay kala yihiin Sikaawi, Siciid Jaamac iyo Fidaar  ayaa la sheegay in boolisku si arxan darro ah ula dhaqmeen markii la xirayay, sida la sheegay.

Khilaafka ka dhashay xariga masuuliyiintan ayaa ka dhashay muran ku saabsan goob ku taalla suuqa Gobonimo. Dawladda Hoose ayaa ku talo jirta inay dhisme cusub ka dhisto xarunta degmada 26-ka June ee magaalada Hargeysa. Dowladda ayaa soo saartay amar ah in si deg deg ah looga saaro dadka deegaanka.

Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun, oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland, ayaa wax laga xumaado oo aan la aqbali karin ku tilmaamay qorshaha dawladda hoose. Waxa uu ku booriyay in la ilaaliyo dhibanayaasha, waxa uuna balan qaaday in uu horseedi doono banaan bax nabadeed.

Maayarka Caasimada Hargeysa C/kariin Axmed Mooge oo ay isku dhow yihiin Xildhibaan Barkhad Batuun, ayaa si deg deg ah uga jawaabay dhaliisha Batuun, isagoo sheegay inay ka go’an tahay daryeelka shacabka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed