Xukuumadda cusub ee Somaliland ayaa si ka duwan xukuumadii hore uga hadashay is afgaradkii Itoobiya ay la galeen sanadkii hore ee la xiriiray saldhigga ciidan.
Wasiirka arimaha Dibadda Somaliland Cabdiraxmaan Daahir Aadan ayaa sheegay in aysan waxba xukuumadda madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ka ogeyn heshiiskii bilowgii sanadkii hore ay xukuumaddii ka horeysay ay la gashay Itoobiya.
Wasiir Cabdiraxmaan ayaa hadalka uu jeediyay wuxuu u muuqday mid uu shaki galinayo qodobo la sheegay in is afagaradkaasi uu xambarsanaa sida aqoonsi dhul ku beddelasho wuxuuna yiri;
“Ictiraaf meelkasata waa u galeynaa laakiin istiraaf cadaabta u gelimayno ummaddayadana baabi’in mayno” ayuu yiri Wasiir Cabdixamaan.
Wasiirka arimaha Dibadda Somaliland Cabdiraxmaan Daahir ayaa sidoo kale wuxuu yiri “inaan dhulkeenna ka iibino shisheeye wax macno ah ma samaynayso”.
Cabdiraxmaan ayaa sheegay in mad-madow badan uu ku jiray heshiiska, kaasi oo aan ilaa hadda wax qoraal ah laga heyn, marka laga reebo hadallada ay afkooda ka sheegeen Abiy Axmed & Madaxweyne hore Muuse Biixi.
Wasiirka ayaa sheegay in marka ay arkaan isfahamkaas ka dib ay qiimeyn doonaan sida uu hadalka u dhigay in dan ugu jirto iyo in kale Somaliland kadibna ay go’aan ka gaadhi doonaan.
“Haddii MoU-ga wax danteena ah ku jirto oo Ictiraaafkii ku jiro oo inna anfacayo annagaa ka jecel cid walba inaan ogolaanno” ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan.
Waxaa uu sheegay in xukuumadda cusub iyo tan Itoobiya ay kawada hadleen is af-garadka, halka ay u bandhigeen isla markaana aysan waxba ka ogayn heshiiskaasi, sida hadalka uu u dhigay.
Waxaa uu ku eedeeyey maamulkii ka horeyey in heshiiska afkooda ah ku cadahay uun, iyada oo uu carrababay in Itoobiya ay dhankeeda sheegtay inay fakari doonto go’aankeeda marka ay hesho marin dhanka Badda ah.
Haddalkan ayaa wuxuu ku soo aadayaa iyadoo 11-kii bishii December, Soomaaliya & Itoobiya oo isku khilaafay is afgaradkii Addis Ababa ay ku kala saxiixdeen Abiye Axmed & Muuse Biix ay soo saareen bayaan loo dhigay in uu meesha ka saaray is afgaradkii Somailand & Itoobiya, maadaama Abiy Axmed uu si cad u sheegay inuu xushmaynayo madaxbannaanida & midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
HBN ONLINE TV