Somaliland oo war ka soo saartay dilka Abwaan Jaamac Kadiye

Xukuumadda Somaliland ayaa war ka soo saartay geeridii shalay ku timid ALLAHA u naxariistee Abwaan Jaamac Kadiye Cilmi oo ku dhintay duqeyn ay sheegeen Golaha Sare ee SSC –Khaatumo inay gaysteen ciidamada Somaliland.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland ayaa lagu sheegay waa sida hadalka loo dhigaye in aanay jirin wax dagaal ah oo shalay dhexmaray ciidamada Somaliland iyo wax lagu tilmaamay maleeshiyaadka Isbahaystay, Puntland iyo kooxaha argagixisada ah ee ku sugan Laascaanood.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay Somaliland ayaa waxaa lagu yiri waa sida hadalka loo dhigaye in Abwaan Jaamac kadiye lagu qaarijiyay magaalada Laascaanood si looga dhigo inay Somaliland ka dambaysay.

Warka ka soo baxay Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in ay diyaar u tahay in baaritaan lagu sameeyo dilka Abwaan Jaamac Kadiye, si caddaaladda loo horkeeno dadkii ka dambeeyay dilkiisa.

Bayaankan ka soo baxay Somaliland ayaa imaanaya iyadoo xalay Golaha Sare ee SSC-Khaatumo ay soo saareen warsaxaafadeed ay ku sheegeen geerida Abwaan Jaamac Kadiye ay timid ka dib markii madfac ay soo rideen ciidamada Somaliland uu ku dhacay marxuumka.

Dhinaca kale meydka Abwaan Jaamac Kadiye ayaa maanta lagu aasay deegaanka Gamadhe ee duleedka magaalada Laascaanood, waxaana aaskiisa ka qayb galay Issimada, maamulka SSC-Khaatumo iyo dadweyne aad u fara badan.

May be an image of 7 people and camelMay be an image of 1 person and crowd

Hadal uu goobtaasi ka jeediyay Garaad Jamaac Garaad Ismaaciil oo ku aadaanaa dilka Abwaanka ayuu ku yiri “”Hadal inooma yaallo ,Jaamac Kadiye buugiisa Goojacade ayaan ku soo bandhigaynaa”

Ciidamada Somaliand iyo kuwa SSC-Khaatumo siddeedii bilood ee la soo dhaafay ku dagaalamayay gudaha iyo duleedka magaalada Laascaanood, waxaana dagaaladan ku dhintay boqolaal qof, halka boqolaal kale dhaawac uu ka soo gaaray waxaana ku barakacay kumanyaal kale.

Dadaallo nabadeed oo heer gobol iyo mid caalami ah oo lagu doonayay in colaaddan lagu soo afjaro ayaa hirgali waayay ka dib markii dhinacyada dagaalamaya ay kala istaageen laba mowqif oo aad u kala durugsan oo ah in marka hore Somaliland ciidankeeda kala baxdo gobolka Sool iyo dhanka Somaliland ayaa dhankeeda ku adkeystay in ciidankeedu aanay ka baxayn deegaanka Goojacade ee duleedka Laascaanood.

Halkan ka akhirso warsaxaafadeedka Somaliland oo af Ingiriis lagu qoray

May be an image of text

Halkan ka akhriso bayaankii ka soo baxay Golaha Sare ee SSC Khaatumo
Image
Warqabadka HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed