Somaliland oo war culus ka soo saartay nidaamka E- Visa- aha ee Dawlada Soomaaliya

Somaliland oo war culus ka soo saartay nidaamka E- Visa- aha ee Dawlada Soomaaliya
Xukuumadda Somaliland ayaa si adag uga jawaabtay nidaamka cusub ee dal-ku-galka elektarooniga ah (E-Visa) ee ay soo saartay Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS, iyadoo ku sheegtay inuusan nidaamkaasi khusaynin deegaannadeeda.

Somaliland waxay ku adkaysatay inay leedahay madax-bannaani buuxda oo ay ku maamusho sida hadalka ay u dhigtay hawadeeda, dhulkeeda iyo baddeeda, isla markaana cid kasta oo rabta inay isticmaasho hawadeeda ay khasab tahay inay oggolaansho ka hesho Wasaaradda Duulista Hawada ee Somaliland.

War-saxaafadeed ay soo saartay xukuumaddu waxay ku caddeysay in nidaamka e-Visa ee Soomaaliya aanu ka shaqeyn doonin gudaha Somaliland, isla markaana dadka u socda Hargeysa ama Berbera ay fiisaha ku heli doonaan marka ay yimaadaan madaarrada Cigaal iyo Berbera. Somaliland waxay sheegtay inay leedahay nidaam madax-bannaan oo socdaalka iyo hawada ah, inkastoo sharciga caalamiga ah uu maamulka hawada u aqoonsan yahay dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Sidoo kale, Somaliland waxay ku dhawaaqday in laga bilaabo 10-ka Nofeembar 2025 dhammaan diyaaradaha isticmaala hawadeeda looga baahan yahay oggolaansho rasmi ah oo ka yimid wasaaradda duulista Somaliland, iyadoo mamnuucday duulimaadyada aan haysan rukhsaddaha. Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa arrintaas u saaray guddi heer wasiir ah si ay u maareeyaan siyaasadda cusub ee hawada.

Bayaanka Somaliland wuxuu ku eedeeyay DFS inay siyaasadeysay sida hadalka ay u dhigtay maamulka hawada, taas oo ay ku tilmaamtay mid khatar ku ah amniga iyo badqabka duulimaadyada ganacsiga iyo rakaabka ee hawada Soomaaliya iyo Somaliland.
Waxay ku dooddeen in tallaabooyinka Soomaaliya ay wiiqayaan xasilloonida, isla markaana aanay waafaqsanayn qawaaniinta caalamiga ah ee duulista.

Ugu dambayn, Somaliland ayaa ugu baaqday hay’adaha caalamiga ah sida ICAO, IATA iyo Qaramada Midoobay inay si dhab ah u eegaan xaaladda maamulka hawada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland, ayna hubiyaan in hawada lagu maamulo si cadaalad ah oo aan siyaasadeysanayn. Waxa kale oo ay dalbatay in nidaamka xog ururin caalami ah laga saxo si aan madaarrada Somaliland loogu muujin kuwo ka tirsan Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan sida ay qabto hay’adda caalamiga ah ee ICAO ee duulimaadka in hawada Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland ay muumusho hay’adda duuliska hawada ee Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed