Xukuumadda Soomaaliland ayaa sheegtay in ay walaac xooggan ka muujinayso hubka culus ee ay dawladda Masar u soo dirtay Soomaaliya, kaas oo sida hadalaka ay u dhigtay khatar ku ah ammaanka mandaqadda oo ay hore u soo food saareen caqabado amni oo cakiran.
Bayaan ka soo baxay Soomaaliland ayaa lagu sheegay in Soomaaliya waa sida qoraalka lagu xusaye wakhtigan aysan lahayn awood ay ku maamusho ama ay ku ilaaliso kaydka badan ee agabka ciidamada ah ee soo gaaray.
“Hubka ku batay deegaan markii horeba jilicsanaa ayaa kor u qaadaya halista tartanka hubka, iyadoo kooxaha kala duwani ay u badan tahay in ay doonayaan in ay helaan keyd u gaar ah si ay danahooda” ayaa lagu yiri bayaanka Soomaaliland.
Xukuumadda Soomaaliland ayaa ka digtay in hubkan uu u gacan gali karo kooxaha hubeysan ee sida Alshabaab iyo qabaa’ilada, waa sida hadalka loo dhigaye.
“Xukuumadda Somaliland ayaa si gaar ah uga walaacsan in hubkani uu gacanta u galo kooxaha xagjirka ah sida Al-Shabaab iyo maleeshiyo beeleedyo kale oo firfircoon, taasoo sii kordhinaysa colaadda iyo xasilooni-darrada ka jirta gobolka” ayaa la sii raaaciyey bayaanka.
Dhanka kale, Somaliland ayaa beesha caalamka ugu baaqday inay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo wax lagaga qabanayo tabashooyinka isa soo taraya. Sida oo kale Xukuumadda Hargeysa ayaa ka hortagga muhiim u aragta, si looga fogaado xiisado kale oo sii kordha.
“Somaliland waxa ay weli ku adkaysanaysaa in ay nabad, xasilooni iyo wada-hadal wax ku ool ah, waxaanay u soo jeedinaysaa cid kasta oo ay mas’uul ka tahay in ay wax ka qabtaan tabashooyinka isa soo taraya ka hor inta aanay faraha ka bixin” ayaa lagu yiri.
Ugu dambeyn Soomaaliland ayaa carrabowday in tallaabo degdeg ah oo lagama maarmaan u ah la qaado, si loo baajiyo “iskahorimaad ballaaran oo loo ilaaliyo xasilloonida jilicsan ee gobolka”.
Maalinimadii shalay Masar ayaa deegaannada Soomaaliland fartay muwaadiniinteeda aysan booqan, ka dib markii Soomaaliland ay xertay Makatabadii iyo xafiiska ay halkaasi ku laheyd.
HBN ONLINE TV

