Somaliland oo wakiillo cusub u magacawday Midowga Yurub, Midowga Afrika & IGAD

Xukuumadda Somaliland ayaa maanta shaacisay wakiillo cusub u ay magacawday inay ku metelaan Midowga Yurub, Midowga Afrika, urur-goboleedka IGAD iyo Itoobiya, kadib wareegto warbaahinta lala wadaagay oo ka soo baxday madaxtooyada Somaliland.

Magacaabistan oo uu sameeyey Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa lagu sheegay in Wakiillada cusub la filayo inay xoogga saaraan matalaadda danaha Somaliland iyo ballaarinta xiriirrada diblomaasiyadeed ee lala leeyahay hay’adaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah, inkasta oo ururadan horay u cadeeyeen inay taageersan yihiin ayna ilaalinayaan madaxbannaanida & midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Sidoo kale, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo IGAD ayaa kamid ah hay’adaha muhiimka ah ee Somaliland doonayso inay xiriir dhow la yeelato. Dhaqdhaqaaqan ayaa ku soo aadaya xilli Israa’iil ay qaaday tallaabooyin la xiriira aqoonsiga Somaliland, taas oo dhalisay falcelin diblomaasiyadeed oo gobolka iyo caalamkaba ah.

Somaliland ayaa muddo dheer waday dadaallo ay ku doonayso inay hesho aqoonsi caalami ah iyo taageero dheeraad ah oo ku aaddan qaddiyaddeeda, wallow aanay jirin cid dhaafsiisan Israa’iil oo aqoonsi buuxa ay ka heshay, halka ay dowladda dhexe ee Soomaaliya wado qorshe daneeyaasha arrimaha siyaasadda Soomaaliya lagu abaabulaayo.

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed